RW Xasan Cali Kheyre oo Talo ku xun Tahay iyo Iscasilaaddiisa oo aad loo sugayo.

RW Xasan Cali Kheyre oo Talo ku xun Tahay iyo Iscasilaaddiisa oo aad loo sugayo.


Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa qaar ka mid ah wadamada beesha caalamka aay cadaadis ku saareen in uu is casilo RW Kheyre. Madaxweynaha ayaa ka caga jiidaya arrintaas waxaana cadaadiska ku soo biiray hadda saaxiibadiis kuwaaso arkay in khatarta aay lug ku yeelan doonto Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalintii shalay ahayd xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo ka yimid magaalada New York, waxaana aay kala hadleen madaxweynaha in uu si dhaqso ah u helo xal siyaasadeed, isla markaana uu si hufan u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.

Walow aay iska caddahay in RW Kheyre aanu sii hayn doonin xilka wasiirka koowaad, ayaa waxaa  hadda sii kordhay walaaca taageeryaasha Madaxweyne Farmaajo iyagoo hadda bilaabay qeylo dhaan ah in Kheyre is casilo haddii kale waxaa suuragal ah in lawada dumayo.

RW kheyre ayaa intii uu xukunka hayay waxaa uu bil walba bilaabayay xasarad siyaasadeed iyadoo Madaxweynahana uu ku fiirsanayay oo gebi ahaanba ka aamusnaa. Balse cadaadiskii oo Mdaxweynaha ku batay iyo isagoo ka baqay haddii Kheyre kaligiis la legdo inay saameyn weyn ku yeelan doonto isaga lagftiisa aawgeed ayuu u soo fara geliyay iska hor imaadka xukuumadda iyo golaha shacabka. Waxaana laga hata inuu hadda ka hor ku yiri saaxibadiis “Waan is casilayaa haddii jawaari guuleysto”

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre ayaa waxaa soo kala dhex galay mugdi badan, iyadoo loo sheegay RW Kheyre in Madaxweynaha uu aqbalay dalabaadka qaar ka mid ah beesha caalamka iyo saaxibadiis, taasoo uu ballan qaaday in RW Kheyre uu meesha ka baxo isla markaana uu soo magacaabayo RW la shaqeyn kara hay’adda sharciga ah, isla  markaana hogaamin kara dawlad waxqabad ee aan hadal iyo igu sawir ku dhisneyn.

RW Kheyre iyo Farmaajo ayaanan weli kulmin tan iyo markii uu Farmaajo ka codsaday Gud. Jawaari iyo ku xigeenadiisa in gebi ahaanba la joojiyo kulankii Baarlaamaanka ee lagu ballansanaa maalintii Sabtida ee bisha Maarso aay ahayd 31.

Mudane R/Wasaare IS CASIL si uu Dalka u Badbaado.

Mudane R/Wasaare IS CASIL si uu Dalka u Badbaado.

BAR AMA BARO: Mudane Waa Dhab siyaasadda waa doodo iyo aragtiyo kala duman oo barnaamijyo xambaarsan. doodahaas oo dhexmara siyaasiyiin u dhashay dalka ay dantiisa ka murmayaan inta badan inuu midba kan kale kaga haboon yahay, laakiin siyaasadda runta ah waa tan dadkaaga Saameneysa marka aad fuliso iyo marka aad fulinweyso. Haddaba cidi ma ilooobi doonto wixii kuu qabsamay haddii aad si Sharaf leh aad uga tagtid, balsa cidna ma xusuusan doonto haddii meesha xoog ama Sharci lagaag tuuro.EEF49480-7400-4282-8B92-3A4B06EB502E

Mudane, Sida aad ka warqabto dalku wuxuu hadda maraa marxalad aad u adag oo u baahan geesinimo iyo hogaamin waddaanimo leh. Adiga waxaad ka mid tahay madaxda dalka oo mushkiladaha qaar la aaminsan yahay inay kugu lug yeesheen. Waa dhab oo waa siyaasad mar waliba oo aad tallaabo siyaasadeed qaadid qof unbey taabneysa hasa yeehsee waxaa muhiin ah in ujeedooyinkaagu ay u socdaan dhanaca danta dalka.
Haddaba Mudane RW waxaa lagu tiriyaa in dalka uu u baahan yahay qof leh aragti hogaaminieed iyo mid fulineed oo taada ka duwan. Muddo sannad ah ayaad hogaanka haysay sida ay wax u socdaanna sax maaha adiga xataa kulama ah oo dad kula sheekeystay waxaa laga hayaa waxan waa ka adag yihiin sidii aan u maleynayey inaad tiri. Continue reading “Mudane R/Wasaare IS CASIL si uu Dalka u Badbaado.”

MURUGADEENII OO QAAN GAARTAY, BABAANKANA IS KEENTAY!

3CF086D4-E94F-4877-B535-106E8C24FB7CMURUGADEENII OO QAAN GAARTAY, BABAANKANA IS KEENTAY!

“WAQTIYADA SOCDAALKA AH, AYAAMAHA SILSILADA AH. XILLIYADA BALSUUREE? SOO JIRE HADDAAD TAHAY SADARRADA DIB UGU NOQOO SOOMAALI WAA KUMA”?
Som Think Thank Group 

Waloow tubtii lagu gaari lahaa Soomaali weyn weli lagu joogo,hadana inta halganka iyo hayaanka lagu jiro, laga fursan maayo in geed qodax lihi uu maryaha dadka iin u yeelo. Ummad haddii meesha aay leedahay aaysan ku hoyan,mabaadii’da aay rumeeysantahayna jid ka dhiggan, waxaa xaqiiqa ah, sida dhamaanteen aan markhaati ka wada nahay, in jah wareer mustaqbaleed aan laga bixi karin, muragadeenuna kolleyba weey qaan gaartaye aay guri dhiseeyso goor aan fogeyn.”Nin kuu digay kuma dilin.”

Ummad aay dabeeluhu wadaana meesha aay kolba u dhigto ayeey dantooda moodaan. Waxyaalaha aannu maqleyno maalin walba oo doodeenu ku ag wareeganeyso , waa maxsuulka ama gurashadii tala xumada aannan weli ka tanasulin. Waxaase xaqiiqa ah in wax ka sii weyn taa aay tubta noogu soo jiraan haddii aanan inta aay Goori Goor tahay rag ku bixin “cadawga masiireed”.

Waxaa casrigan Soomaaliyeed (new era) jira afkaar is hirdinaysa oo khalkhal geliyey halkuu HAYAANKA MUSTAQBALEED uu ku furan doono. Waxaa laysku wadase raacsan yahay in aannu nahay dad sooc ah oo AB iyo ISIR wadaaga. LUQAD , DHAQAN iyo DIIN ka simman. Hadii lays weeydiiyeyse halkee ayaanu ku soconnaa oo safarku ku wajahan yahay cid walba dhinac ayeey farta ku fiiqday; HALKAA!!

Hadii aan xusso arrimaha inta badan aan u sababeeyno “MURAGADEENA QAAN GAARTAY” , waxaa ka mid ah dhibaatada dawlaadaha DERISKA, IGAD, AMISOM,OROBA, AMEERIKA, SHABAAB, UN, UAE, AU iyo weliba FEDERALISIMKA , anigana waxaa ku kordhinayaa TALO IYO TAB XUMMI!

JAHWAREER BUUXDHAAFAY.

Waxyaalaha daliilka u ah jahwareerka buuxdhaafay (Chronic) ee ka ummad ahaan waxaa ka mid ah ; in qaarkeen aay cadawgii aay caano la wadaagayaan ( saxiiyadii) ; sokeeyihiine aay indhaha ka fiirinayaan talo iyo tabarna meesha dhigtay. Waxaa intaa ka sii daran in meel banaan ah cadawga loogu hibeeyey qeyb ka mid ah dhulkeena dadkoodiina aaysan wax shucuur ah aaysan ka muujineyn. Astaan qowmiyad daciiftay keliya ayaa dhaqankaa lagu arkaa.

RAGGANIMO SHEEGTOOW CEEB BAA NOO SOO HOYATAY!

Hadaba xageey aaday xigmadii iyo xilkaskii dhaqankeena asalka u ahaa? Halkee aaday garashadii fogeyd iyo feejignaantii lagu yiqiin odaayaasha u arrimiya geyiga? Halkeey mareen raggii ka hortigi lahaa kuwa qorsheeysanaya BADAHEENA, DEKEDAHEENA IYO XUDUUDAHEENABA. Agfadhiisi iyo u sacabatumid ha joogtee?

Aaway raggii la xisaabtami lahaa oo iyaga qorsheyn lahaa si aay u BURBURIN lahaayeen BIYIXIREENADA na loo sameeystay oo danyarteena cunnaha qabtay? Aaway kuwa nagu TOLKA ah ee ag jooga duulkaas, miyeeysan u aar gudi karin dalka aay ku abtirsadaan danahiisana u difaaci karin? Aaway kuwa xilka dalka qaaday, miyeysan qeylo dhaan xitaa karin?

La soco qeybta labaad..

FALANQEYN: Berbera Dowladda Federaalka ayaa Dayacday..

cropped-aef0e7cc-1bb4-41e5-9092-b89d21f5a861.jpegMar 3, 2018 – Xukuumadda Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ay hoggaamiyaan Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa leh masuuliyada ugu weyn ee hantida iyo ilaalinta xuquuqda shacabka Soomaaliyeed leeyihiin sida ku cad dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.

Somaliland waxay heshiis la gashey shirkada Dp World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta Bishii August 2016, Maamulkii markaasi xukumay hogaanka Dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cumar Cabdirashiid ayaa lagu eedeeyay inay heshiiskaasi qeyb ka ahaayeen, balse waxay sheegeen inay dacwado gudbin doonaan oo aanay shirkadaasi ka shaqeyn Karin Dhul Soomaali leedahay maaddaama aanay soo marin dowlada dhexe ee Federaalka iyo Baarlamaanka Shacabka.

Go’aan rasmiya masuuliyiintaasi wakhtigaa kama qaadan, shacabka Soomaaliyeed-na waxay ka war sugayeen doorka ay ku joojinayso dowlada Soomaaliya hantida shacabka ee maamul ka mida federaalku shirkad dal shisheeye leeyahay lagu wareejiyay dekada Labaad ee ugu weyn Soomaaliya.

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Xasan Cali Khayre Raysal wasaaraha Hadda talada dalka gacanta ku haya oo xilka la wareegay Bishii February ee sanadkii hore go’aan shacabka Soomaaliyeed mahadiyaan kama qaadan arrinta shirkada maaddaama laga hoos baxay oo shirkado lagu wareejiyay hantidii ay ugu dhaarteen bulshada Soomaaliyeed.

Inkasta oo ay Somaliland sheegto inay ka madax banaantahay Soomaaliya Haddana waxaa marag madoon ah inay ka mid tahay Soomaaliya oo ay caalamku u aqoonsanyihiin maamul ka mida Soomaaliya. Madaxda dalka oo aan ka go’aan ka qaadan wareejinta hantida shacabka islamarkaana aan iyagoo waxba ka ogeyn cid kale lagu wareejiyay waxay fududeysay in Maamulka Puntland isna uu bixiyo dekadii saddexaad ee dalku lahaa kuwaasi oo iyaguna ku wareejiyay shirkada Dp World. Xukuumada Hadda jirtaa arrintaasi iyadna waxba kama qaban oo waxaa iska maamushay Madaxda maamulka Puntland oo hoggaaminayay Cabdiweli Cali Gaas Maxamed Puntland.

Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya waxaa ay hantida shacabka ee la wareejinayo shirkadaha dalalka shisheeya ka socdana gacanta loo galinayo waxay kasoo saaraan warsaxaafadeed ay shacabka ku qaboojiyaan balse Ficil kuma daraan marka ay arrintaasi taagantahay. Continue reading “FALANQEYN: Berbera Dowladda Federaalka ayaa Dayacday..”

Isu ekaanshaha Alshabaab iyo kooxda 8 feberaayo

3F71FF5B-5306-44C5-AC3A-811A82EEF1A0Isu ekaanshaha Alshabaab iyo kooxda 8 feberaayo
23Feb 2018


Noole neefsay ama nuuxsay, haddii uusan nuxuusin. Dhaqdhaqaaqiisa waxaa ka dhasha dhaqan jiritaankiisa, oo u ah summad iyo sawrac. I su eg ka la eg, la is kuna garto. Qof, qolo qabiil ama qawmiyad walbaa waxay leedahay hab dhaqan ka sooca inta kale, ee san ku neefle ah, ee ammaan iyo eed leh.

Bulshadeenna waxaa soo maray BADDALAADYO lagu sheegay ISBADDALLO iyadoon la gu baraarugin, maxaa yeelay, labadaa noo ma ka la soocnayn welina waa sidii, marba haddii wax ka soo raaya ama ka so roonaada aan la’nahay teer iyo waaga, haddaba, saw maangaabnimo noo ma ahayn, in marxalad walbaa waxa ISBADDALAY aysan ahayn aragtida, qaabtalinta iyo hannaan hoggaamintee ay yihiin qofaf, qolooyin iyo qandaraasyo la ka la qaato, ee aan la fiirin qodobbo, qaanuun iyo qaab toona? Sida ay u maqan yihiin, ayaa xasillooni iyo wadanoolaashana u maqnaan!

Qolaba qolada kale ayey kursiga ka kacsatay xukunkana ka tuuratay haba la ka la qatarsanaado, hana la ka la qaabdarraadee, waxaa hubaal ah, in ay yaraayeen inta u aadday xilka aragti nololeed curi, maxaa yeelay, qofku wax uusan haysan ka ma dhergo adna kaa ma haqabtiro. Way idin ka wada maqan tahay, ee ha ka sugin, in aad ka hesho. Wax ma hayste, hiil iyo hoo ma hibeeyo.

Inta maamulka ka la kacsatay waxaa u gu sirmo badnaa ciidankii talada dalka xoogga ku marooqsaday, ee curiyey cuuryaaminta iyo caabuqadan maanta qof, qolo iyo qabiil walbaa la cabaadayo is kuna cunayo. Waxaa labeeyey wadaaddadii waallida waday, ee maxkamadaha ku sheegnaa, ka dib Alshabaab gadaal ka noqday, oo ay u gu horreeyeen Xasan Daahir Aways iyo Mukhtaar Rooboow abuu Mansuur, oo maanta gacan, guri iyo gunno dawlo hela. Qolada saddaxaad waa kooxda NAXLI iyo NUXUUS ee hadda xukunka haysata, haddaba, maadaama ay gu’ jirsideen, oo aan la i dhihi karin la i guna dhaliili karin dawladda waqti sii, waxaan falanqaynayaa i su ekaanshaha ururka Alshabaab iyo kooxda 8 feberaayo; waxa ay i saga mid ka yihiin.

IS LA QUMMANAAN; Shabaabtu waxay aaminsanaayeen, welina aaminsan yihiin, wahaabiguna la qabaa, in ay keligood saxanyihiin, oo ay ku joogaan dhabbaha qumman. KELIGOOD ISLAAN. Iyaga ma hane, qof ama qolo kale oo Islaan ah Soomaali ku ma jirin mana ku jiraan. Qofkii wax ka sheega ama dhaliila, waxay ku dhejiyaan summadda ah; GAAL, GAALORAAC, CALMAANI iyo BASAAS u shaqeeya waddammo shisheeye. Ogow, iyagaba waxaa taakuleeya dalal shisheeye, oo dhaqaale iyo hub siiya. Iyaga waa u bannaan tahay, inta kale waa ka reebban tahay.

Si la mid ah, kooxda 8F waxay qabaan, in ay keligood wanaagsan yihiin, oo aysan jirin qof ama qolo la mid ah. KELIGOOD WADDANI. Iyaga ma ahane, qof, qabiil ama qolo dalkan dan ka leh ma jirto. Qofkii wax ka sheega ama dhaliila, waxay ku dhejiyaan summadda ah; DAWLAD DIID, QARANDUMIS, SHISHEEYE KALKAAL, DABADHILIF, U ADEEGE dalal kale IWM. Mararka qaar dilal ayey ku gaystaan tilmaamtaa, ogowna, iyaguba ololaha doorashada dhaqaalaha ay ku galeen iyo laaluushka ay baxsheen dal shisheeye ayey ka keeneen. Iyaga waa u bannaan tahay, inta kale waa ka reebban tahay.

BADBAADIYAYAAL: Shabaabku waxay aaminsanyihiin iyo guud ahaan wadaad oo dhan, gaar ahaan maxkamadihii, in ay badbaado u yihiin bulshadan, oo ay ku xirayaan xarigga Alle, ee ay ka furteen. War xarigga Eebbe adkaa, oo dhib badanaa! inta xariggaa na loo gu gaystay, na loo gu ma gaysan hal-haysyadii ka horreeyey jaad walba oo ay lahaayeen. Continue reading “Isu ekaanshaha Alshabaab iyo kooxda 8 feberaayo”

Waa Maxay Shaqada Baarlamaanka FS? Miyeyse Gutaan Waajibaadkooda? (Akhriso)

CA8759F8-4F19-4E42-9018-51004CF9B451Xog & Xaqiiq:- Waa Maxay Shaqada Baarlamaanka FS? Miyeyse Gutaan Waajibaadkooda? (Akhriso)


Muqdisho (February 19, 2018) Ereyga Parliament oo ah erey asalkiisu yahay Franciis macnihiisana noqonayo “Hadal ama dood” ayaa waqtiyadan casriga ah loo macneeyaa inuu yahay “Sharci-Dejiye”. Marka laga hadlayo qaabdhismeedka Dawladda ee soo jireenka ah, Baarlamaanku waa qayb ka mid ah saddexda qaybood oo ay dawladdu ka koobanto. Labada kale waa Fulinta iyo Garsoorka.

Sababta ugu weyn ee dawladda loogu qaybiyey laamahan ayaa lagu sheegaa inay tahay “Is-Dheeli-tirid” ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo “Check and Balance” taas oo haddaan si fudud u sheegno ka dhigan in shuruucda lagu dhaqmayo ay dejiyaan Baarlamaanka, Xukuumadana ay fuliso halka Garsoorkana uu hubiyo in sharciga loogu dhaqmo sida waajibka ah.

Shaqooyinka Baarlamaanada wadamada caalamka inta badan waa isku dhow yihiin, inkastoo ay ku kala duwan yihiin saameynta ay ku leeyihiin xukuumadda oo haddii nidaamka wadan u degsan uu yahay mid Baarlamaani ah ay Xukuumaddu toosin iyo u igmasho shaqo ay Baarlamaanka uga danbeyso. Guud ahaan shaqooyinka Baarlamaanka waxaa ugu waaweyn shan shaqo oo kala ah:

Continue reading “Waa Maxay Shaqada Baarlamaanka FS? Miyeyse Gutaan Waajibaadkooda? (Akhriso)”

MAQAAL: XASUUSO M/WEYNE XASAN SHEIKH

 

MAQAAL: XASUUSO M/WEYNE XASAN SHEIKH

Journal of Peace Research
Moment Research & Consultancy

Journal of Peace Research – Qof kasta waa u baahan tahay in wax loo sheego heer kasta ay darajadiisu gaarto. Wax isu sheegidu ma ahan caay ama ceeb ama quursi midna, waxaana wax loo sheegaa qofka aad jeceshahay inay waddada toosan cagta saarto, wixi dadka badankiisa la wanaagsanna ay ku dhaqanto, wixi loo sheegana ay ka qaadato inti ka anfacda…marna qasab ma ahan in wixi laguu sheego aad duuduub u qaadato ama adiga oon miisaamin ama falanqeyn aad iska qaadato.
Waxaa jira adkaar aan filaayo in la wada yaqaano oo la akhriyo salaadaha kaddib taasoo ah

أللهم لاما نع لما أعطيت ولامعطى لما منعت ولاراد لما قضي

Oo micnaheedu yahay ILAAHOW WIXI AAD JOOJISO CIDNA MA BIXIN KARTO WAXAAD BIXISANA CIDNA MA JOOJI KARTO WAXAAD FULISANA CIDNA MA CELI KARTO.
Haddaba, waxaa laga yabaa in guuldarada kaa soo gaartay Xasanow doorashadi ay kheyr kuu tahay…waana inaad u aragtaa inay khayr kuu tahay aadna ku qanacdaa inuu Ilaahey kuu dooray inaad jagadaas ka degto..adoo xasuusanaya aayadi ku jirtay suuratul Baqara ee ahayd waxaa dhici karta wax aad shareysaneyso ay kheyr kuu yihiin waxaad kheyr u aragtana ay shar kuu yihiin…tegida aad ka taktay jagadaas laga yaabee inay kheyr kuu tahay ee duceyso oo Ilaahey wediiso inuu wax ka kheyr badan kuugu beddelo…mar dambana uusan Ilaahey xil kuugu dhiibin ummaddaan oo ah mid adduunka oo dhan uu la yaaban yahay shucuurtooda iyo mustawaha aqooneed iyo dadnimo meesha aan ka taganahay. Weli lama sameyn cilmi baaris u gaara hab-dhaqankeena iyo habka wada noolaashada ee u gaara ummad waliba…Isbedeelka ku dhacay hab-dhaqankeena wixi ka dambeeyay kacaankii waa mid is beddelay oo dadki isku dayay inay wax ka gartaan dhaqanka aanu leenahay ay ku fashilmeen, waayoo waxaan nahay ummad ka indha la’ wax aan wadaagno oo muqaddas noo ah dad ahaan iyo waxa naga dhexeeya oo la garan waayay kaddib marki la waayay isxurmeyn iyo is-qaddirin ka dhexedysa dadka Somaaliyeed.

Waxyaabaha lala fajaco waxaa ka mid ah inaan nahay ummada wada siyaasiyiin ah oo xataa midki aan magaciisa oo sax ah qori karin uu siyaasadda ka faalloonaayo. Waxaan nahay ummad iyadoon waxba aqoon haddana isla fiican waayoo aqoonta ayaa qofka hogaamisa, umadina ay ku hormartaa.. laakin annaga waxaan nahay umad qalbiga indhoole ka ah, oo aan marna ismaqal..ma aqoonsanin qofkeena caalimka ah ama cabqariga ah ama keena fikrado fiicaan oo loo aayo..mid waliba wuxuu maqlaa ra’ayiga qoladiisa iyadoon khalad iyo sax aysan noo kala soocneyn.
Intaasu waa qiimeyn gaaban oo aan ku sameynay hab-dhaqanka umaddaan…waxaa jirtay sheeko ninbaa dibi geesa weyn soo hujuumay markaasuu geesaha ka qabtay oo iska celiyay, markuu muddo sidaas u haayay ayaa waxaa soo maray meesha nin socdaal ah markaasuu yiri ” walaalow xoogaa geesha iiga qabo intaan hoos-guntiga ka xirahaayo..” Ninkii geesihi pw ka qabtay dibigii midkii kalana markuu dhammeystay guntashadi ow meeshi ka dhaqaaqay,markasuu wacay ” war kalay iga qabso dibigaan”..markaasuu yiri ”waxaan ku arkay adna ku arki doontid, cidna kuugu tegi meyso ee waa adiga iyo tabtaada”

Arrinteena maanta halkaas ayey mareysaa..geesihi dibiga Xasanow waa lagaa qabtay, waxaad ku aragtay Farmaajana ku arki doonyee. Jagadaani waa mid dheef iyo dhib badan wadata, dhibkeeda looma jeedo lamana dareemo waayoo martabada iyo maqaamka ay leedahay ayaa aad u sarreya oo ah mid ay qof kasta raadineyso si ay ku gaarto.

Magaci iyo martabadi ay jagadaanu lahayd waxaa isku fuuqsaday markii gobolladi dalka ay geddigood naqdeen Madaxweynayaal u dhigma kii dalka, waana meesha ay arrintu ka murugsan tahay, jagadiina naqatay mid suuqyada lagu kala gato oon wax qaiime ah lahayn..waana tan ka dhigtay inuu ruux waliba haweysto midki mudan iyo midki aan mudneyn. Madaxweyne Xasan Sheikh sidaas ku sabar oo u arag inaad taariikhda baal fiicaan ka gashay taasoo uu waqtigu ka marag kici doono goorti garaadkeenu kobco oo la wada dareemo in dalkaan aan wada leenahay haddana la kala leeyahay, mana jirto qolo gobolkeeda lala leeyahay oo dadka ka wada dhexeeya, waxaana fiicnaan lahayd in la iska illaabo fikradda ku saleysan keygana aniga kaliyahaa leh kaagana kula lihi!!!

Journal of Peace Research

YAA DADKA DANAHOODA DARYEELA

E3D5C1E2-350B-440E-A54B-BE17F63E287E

D86963E3-2070-46A9-BB8C-3C8447BD7F40YAA DADKA DANAHOODA DARYEELA
Somalia Think Tank Moment



Bar AMA Baro – Maalmahaan waxaa la xusaa sannad-guuradi ka soo wareeegtay doorashadi Madaxweyne Farmaajo waxaana dadka badankiisu u arkeen in horumar lagu tallaaabsaday intey la ekaataba. Dhacdo kasta ee dal soo marta ninba si u arag. Waxaa jira dad aragtidoodu ku wajahan tahay meelo aysan dadku badankiisu arag ama wax ka fiirin. Haddii qiimeynta horumarka lagu cabbiro hab nololeedka guud iyo nabadgelyada waxaa meesha ka baxaya qaybihi kale ee nolosha kuwaasoo aad muhiim ugu ah dadweynaha qaar. Lama inkiri karo inay jiraan qaybo siyaasadda dalka ka mid ah oo aad u dayacan, dowladda maanta talisana ay ka gaabisay marka runta la sheego, taas oo ah arrimaha dibadda.

Dowladda M/weyne Farmaajo waxay aad uga gaabisay xagga arrimaha dibadda kaddib markii wasaaradda qaabilsan ay isaga dambeeyeen dad aan aqoon fiican u lahayn howlaha wasaaradda iyo baahida dadka Somaliyeed u qabaan adeegyada ay u xilsaaran tahay. Continue reading “YAA DADKA DANAHOODA DARYEELA”

Sababaha ugu waaweyn ee madaxda soomaalidu la fashilmaan

PenDrIbrahim
E3D5C1E2-350B-440E-A54B-BE17F63E287E

E7B11A90-CC5D-46AE-A7BF-81E426CB428BSababaha ugu waaweyn ee madaxda soomaalidu la fashilmaan
Posted on February 12, 2021 by multiethnicsociety


Yes to a strong Somalia – Waxaan ugu horrayn eegaynaa sababaha daakhiliga ah oo labo qaybood kala ah: in laga waayo waxqabadkii laga filayey ama ay balanqaadeen ama masuuliyadooda shaqo ahayd iyo inay galaan gafaf waaweyn oo aan meekhaankooda u qalmin ama aan marna laga filaneyn.

Qeybta 1aad: inay ka soo bixi waayaan xilkii saarnaa ama laga waayo wixii laga filayey ama ay balanqaadeen.

Waxaa madaxdeenii kala dambeysey wada haleelay waxqabad la’aan ama xil gudasho la’aan. Waxyaabaha ugu wacana waxaa ka mid ah aqoon la’aan ama khibrad la’aan ama karti la’aan ama daacadnimo xumo ama dadka ay doorteen ama ku xeeran oo hooseeya.

Dabcan madaxda aynu ka hadlayno kuma koobna kuwa dowlada dhexe ee waxaa soo galaya madaxda maamul goboleedyada. Macnunhuna maaha in aysan waxba qaban ama dhinacyada aynu sheegnay oo dhan ay ka wada xumaayeen ee waxaynu uga jeednaa xilkii saarnaa iyo waxay qabteen baa aad u kala fogaa.

Marka wixii lagaa filayey iyo waxa aad noqotay kala duwanaadaan waxaa hubaal ah in dadweynuhu kaala noqonayaan kalsoonidii, jacaylkii iyo taageeradii ay kuu hayeen; waayo kursiga ama jagadu ma aha wax iskood la isugu jeclaado ee waaba wax inta badan la isku noco. Haddii waxtar xumo sii wehelisana kaba sii daran.

Nin kasta oo madaxweyne noqda marka la doorto taageero ayuu dadka ka helaa, wax qabadna waa laga fishaa laakiin waxqabadkiisa arrimihii aan soo sheegnay ayaa wiiqa. Waxaa kale oo madaxdu markay cusub yihiin la indha daraandaraan taageerada iyo hambalyada iska soo daba dhacaysa iyo dadka albaabadooda tuban. Kolkaas ayay hawshii u taaley waxaas kaga mashquulaan.

Waxaa kale oo xusid mudan in taageerada caamka ah ee madaxweynaha loo hayo ay isdhimayso markii uu soo magacaabo R/wasaaraha. Markii golaha wasiirada la soo dhisana qeyb kale oo taageerayaashii ah ayaa isdhimaysa.

Intaa ka dibna tillaabo kasta oo uu qaado waxaa dhibsan doona dad laga yaabo inay awal taageerayaashiisa ka mid ahaayeen.

Haddaba su’aashu waxay tahay sidee madaxweynaha iyo xukuumada uu soo dhiso u haysan karaan kalsoonida iyo taageerada markii hore lugu soo dhaweynayey?. Jawaabtu waa labo arrimood uun:
in dawladu ku tillaabsato waxqabad iyo hawlo waaweyn oo saamaynaya nolosha iyo moralka dadweynaha inta lugu dhex jiro dhismaha xukuumada iyo waqtiyada ku dhaw dhaw. Haddii kale waxay noqonaysaa sidii koox gool dhalisay oo intay farxada ku mashquulsanaayeen goolal laga dhaliyey.
Iyo inay ka hufnaato gafafka waaweyn ee seejinaya kalsoonida iyo taageerada bulshada; waayo haddii ay sii wadaan shaqadii qolyihii ka horreeyey lugu nacay waddadoodii ayay marayaan.
Qeybta 2aad: waxyaabaha ugu muuqaalka dheer ee madaxdeenii hore ku waayi jirtey kalsoonida iyo taageerada dadweynaha waxaa ka mid ahaa:

1- loolanka awoodeed ee golayaasha dawlada ka dhex dhici jirey gaar ahaan madaxweynaha iyo R/wasaaraha, waana sababta ugu weyn ee wiiqday dawladihii C/qaasim, C/laahi Yuusuf, Shariif iyo Xasan Sheekh haba ku kala darnaadeene; waayo mar kasta oo ra’iisal wasaare la ridayo ama mid cusub laga daba magacaabayo waa dagaal iyo burbur cusub oo intii isu soo hartay sii kala dilaya, isla markaasna dhawaacaya kalsoonidii dadweynuhu ku qabeen dawlada.

Waa hubaal ah in mooshinada mashruuca noqday iyo loolanka dhexmara golaha shacabka iyo madaxtooyada ama golaha wasiirada uu yahay dubbe weyn oo duminaya kalsoonida golayaasha dawladu isku qabeen iyo kalsoonida daweynuhu dawlada ku qabeen.

Loolanka siyaasadeed ama qabyaaladeed ee madaxda dawladu la gasho qayb ka mid ah dadkeeda ama deegaanadeeda wuxuu keenaa in dadweynihii isku duubnaa ee dawalada taageersanaa si otomatik ah u kala saftaan oo u qaybsamaan muxaafid iyo mucaarid. Waxaa tusaale u noqon kara loolankii ka dhashay dhismihii d/goboleedyada Jubba, K/galbed, Galmudug iyo Hir/shabeele oo intuba dawlada galiyey rabsho iyo colaad ay dad badan ku weyday.

3- 3- Cuqdada ka dhalata qaybinta awoodda iyo dhaqaalaha waa salka mushkilada soomaaliyeed. Xilliyadii jabhadaha hubaysan ku kacayeen dawlada ma jirin amni daro iyo shaqada dawlada oo kala socon weyday ee waxaa asal u ahaa cadaalada ijtimaaciga ah oo la suluugay.

Ceebaha ugu caansan beryahaan dambe waxaa ka mid ah: in saraakiisha hoose ee ay madaxweynaha is xigaan ay ka awood badan yihiin saraakiisha sare ee dawlada ama qaraabadiisa ku hareeraysan ay awooda madaxweynaha isticmaalaan!.

Waxaa kale oo ceebaha waaweyn ka mid ah in madaxda dawladu leexsato dhaqaalaha dalka loogu deeqo ama ka soo gala ileheeda dhaqaale ama ay qandaraasyo ku siiso shirkado ay leeyihiin madaxweynaha ama qoyskiisa oo iyagu hela awood iyo fursado ka badan kuwa dadweynaha kale helaan.

44- Burburka sanadka ugu dambeeya: Waxaa caado noqotay in sanadka u dambeeya laga mashquulo dawladaba oo loo jeesto sidii doorashada soo socota loo soo gali lahaa. Intaa kuma ekee dakhliga dawladaba waxaa loo jihaynayaa khasnadaha madaxda dawlada iyo guddiyada u galaya ololaha doorashada baarlamaanka iyo madaxweyninimo.

Taas waxay keenaysaa inay sanadkaas gudihiisa dib u burburiyaan wixii ay seddexda sano soo qabteen oo dhan. Mushkiladu way fududaan lahayd hadday waxa la dhacaya yihiin kaydadka iyo miisaaniyada horumarinta ee waxaa loo dhacayaa mushaarooyinka ciidamada iyo shaqaalaha masaakiinta ah oo har iyo habeen cataabaya oo habaaramaya.

Yes to a strong Somalia

Create a free website or blog at WordPress.com.

Up ↑