RW Xasan Cali Kheyre oo Talo ku xun Tahay iyo Iscasilaaddiisa oo aad loo sugayo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa qaar ka mid ah wadamada beesha caalamka aay cadaadis ku saareen in uu is casilo RW Kheyre. Madaxweynaha ayaa ka caga jiidaya arrintaas waxaana cadaadiska ku soo biiray hadda saaxiibadiis kuwaaso arkay in khatarta aay lug ku yeelan doonto Madaxweynaha.
Madaxweyne Farmaajo ayaa maalintii shalay ahayd xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo ka yimid magaalada New York, waxaana aay kala hadleen madaxweynaha in uu si dhaqso ah u helo xal siyaasadeed, isla markaana uu si hufan u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Walow aay iska caddahay in RW Kheyre aanu sii hayn doonin xilka wasiirka koowaad, ayaa waxaa hadda sii kordhay walaaca taageeryaasha Madaxweyne Farmaajo iyagoo hadda bilaabay qeylo dhaan ah in Kheyre is casilo haddii kale waxaa suuragal ah in lawada dumayo.
RW kheyre ayaa intii uu xukunka hayay waxaa uu bil walba bilaabayay xasarad siyaasadeed iyadoo Madaxweynahana uu ku fiirsanayay oo gebi ahaanba ka aamusnaa. Balse cadaadiskii oo Mdaxweynaha ku batay iyo isagoo ka baqay haddii Kheyre kaligiis la legdo inay saameyn weyn ku yeelan doonto isaga lagftiisa aawgeed ayuu u soo fara geliyay iska hor imaadka xukuumadda iyo golaha shacabka. Waxaana laga hata inuu hadda ka hor ku yiri saaxibadiis “Waan is casilayaa haddii jawaari guuleysto”
Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre ayaa waxaa soo kala dhex galay mugdi badan, iyadoo loo sheegay RW Kheyre in Madaxweynaha uu aqbalay dalabaadka qaar ka mid ah beesha caalamka iyo saaxibadiis, taasoo uu ballan qaaday in RW Kheyre uu meesha ka baxo isla markaana uu soo magacaabayo RW la shaqeyn kara hay’adda sharciga ah, isla markaana hogaamin kara dawlad waxqabad ee aan hadal iyo igu sawir ku dhisneyn.
RW Kheyre iyo Farmaajo ayaanan weli kulmin tan iyo markii uu Farmaajo ka codsaday Gud. Jawaari iyo ku xigeenadiisa in gebi ahaanba la joojiyo kulankii Baarlaamaanka ee lagu ballansanaa maalintii Sabtida ee bisha Maarso aay ahayd 31.